{"id":441,"date":"2026-01-06T07:07:22","date_gmt":"2026-01-06T07:07:22","guid":{"rendered":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/?p=441"},"modified":"2026-01-06T07:07:25","modified_gmt":"2026-01-06T07:07:25","slug":"maayer-adanej-abebe-ayaa-si-rasmi-ah-u-daah-furtay-32-xarumood-oo-cusub-oo-boolis-iyo-dab-demis-ah-oo-laga-hirgeliyay-dhammaan-degmooyinka-magaalada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/2026\/01\/06\/maayer-adanej-abebe-ayaa-si-rasmi-ah-u-daah-furtay-32-xarumood-oo-cusub-oo-boolis-iyo-dab-demis-ah-oo-laga-hirgeliyay-dhammaan-degmooyinka-magaalada\/","title":{"rendered":"Maayer Adanej Abebe ayaa si rasmi ah u daah-furtay 32 xarumood oo cusub oo Boolis iyo Dab-demis ah oo laga hirgeliyay dhammaan degmooyinka magaalada"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><a><\/a>AMN PLUS &#8211; Xoorrey 20\/2018 T.I<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Duqa Magaalada addis ababa Marwo Adanej Abebe, ayaa qoraal ay ku baahisay baraha ay ku leedahay ku sheegtay in maanta ay tahay maalin taariikh cusub u furaysa Booliska Addis Ababa.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxay sheegtay in dhammaan degmooyinka caasimadda laga hirgeliyay 32 xarumood oo cusub oo Booliska iyo dabdamiska kuwaas oo dhismahoodu dhammaaday, isla markaana si rasmi ah loo daah-furay lana bilaabay adeeggooda. Xarumahan waxaa ka mid ah talisyo boolis, saldhigyo, xerooyin, iyo xarumo dab-demis iyo gurmad degdeg ah, kuwaas oo hadda diyaar u ah inay bulshada u adeegaan.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" width=\"960\" height=\"640\" src=\"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-content\/uploads\/sites\/5\/2026\/01\/607195899_122195586110347285_3268392351987002324_n.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-443\" srcset=\"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-content\/uploads\/sites\/5\/2026\/01\/607195899_122195586110347285_3268392351987002324_n.jpg 960w, https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-content\/uploads\/sites\/5\/2026\/01\/607195899_122195586110347285_3268392351987002324_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-content\/uploads\/sites\/5\/2026\/01\/607195899_122195586110347285_3268392351987002324_n-768x512.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Duqa magaalada ayaa tilmaantay in tallaabadani aysan oo keliya u soo dhoweynayn adeegyada ammaanka iyo gurmadka degdegga ah albaabka shacabka, balse ay sidoo kale kor u qaaddo ka-qaybgalka firfircoon ee dadka deggan magaalada ee ku aaddan dhismaha nabadda iyo ilaalinta deegaanka, iyagoo leh dareen lahaansho iyo mas\u2019uuliyad.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxay si gaar ah u carrabka ku adkeysay in dhismaha xarumahan ee heer deegaan ah ay si weyn uga caawinayaan ka-hortagga dambiyada iyo yareynta waqtiga jawaabta marka ay dhacaan masiibooyin degdeg ah, taas oo keeni doonta in si weyn loo dhimo khasaaraha nafeed iyo mid hantiyeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ugu dambayn, Marwo Adanej Abebe ayaa u mahadcelisay dhammaan hay\u2019adaha iyo dhinacyadii ka qayb qaatay in mashaariicdan faa\u2019iidada weyn leh lagu hirgeliyo waqtigii loogu talagalay iyo tayadii la rabay, iyada oo ku hadlaysay magaceeda iyo kan maamulka magaalada Addis Ababa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>AMN PLUS &#8211; Xoorrey 20\/2018 T.I Duqa Magaalada addis ababa Marwo Adanej Abebe, ayaa qoraal ay ku baahisay baraha ay ku leedahay ku sheegtay in maanta ay tahay maalin taariikh cusub u furaysa Booliska Addis Ababa. Waxay sheegtay in dhammaan degmooyinka caasimadda laga hirgeliyay 32 xarumood oo cusub oo Booliska iyo dabdamiska kuwaas oo dhismahoodu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":442,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"cybocfi_hide_featured_image":"","footnotes":""},"categories":[25,29,18],"tags":[],"class_list":["post-441","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maamulka-suuban","category-maktabadda-addis-ababa","category-teknooloojiyadda","entry","has-media"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/441","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=441"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/441\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":444,"href":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/441\/revisions\/444"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/442"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=441"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=441"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.amn.gov.et\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=441"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}