AMN PLUS – Xoorrey 6/2018 T.I
Afhayeen kuxigeenka Golaha Xildhibaanada DDS Mudane Ibraahim Xasan ayaa gudiyada kula dardaarmay inay xooga saaraan dabagalka adeegbixinta degmooyinka, gobollada iyo maamul magaalooyinka iyada oo laga duulayo qorshaha shaqo ee la dajiyay sanadka 2018-ka, gaar ahaan waa in xooga la saaro xarunta adeega hal goob meelaha hirgalinteeda laga bilaabay, ka jawaabista xaaladaha abaaraha, geeddi-socodka mashaariicaha horumarineed, fahanka bulshada ee qaadashada aqoonsiga qaranka, waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha iyo guud ahaan adeegbixinta bulshada.
Natiijada kormeerkan ayaa noqon doonta halbeega la xisaabtanka laamaha fulinta ee gacanta ku haya adeegbixinta bulshada, waana kormeer si joogta ah u sameeyaan sanad walba gudiyada joogtada ah ee Golaha Xildhibaannada DDS.