Madaxweyne Ku-xigeenka DDS oo kormeer ku sameeyey wax soo saarka beeraha ee Degmada Goday.

You are currently viewing Madaxweyne Ku-xigeenka DDS oo kormeer ku sameeyey wax soo saarka beeraha ee Degmada Goday.
Spread the love

AMN PLUS – Xoorrey 07/2018 T.I

Wafti uu hogaaminayey Madaxweyne Kuxigenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan ayaa saaka kormeer ku sameeyey barnaamijyada wax-soo-saarka beeraha iyo mashruuca Dhaqo oo Dheefso ee ka socda Degmada Goday Ee Gobolka Shabeelle.

Waftigu waxa uu booqday tuulooyinka Yaxaas Jamal, Baari iyo Karinka, halkaas oo ay si dhow ugu kuurgaleen heerka wax-soo-saarka beeraha iyo dadaallada lagu xoojinayo isku-filnaanshaha cunnada.

Beeraleyda ka faa’iideysanaya barnaamijyadaasi ayaa la siiyey dhiirrigelin iyo talooyin wax ku ool ah, iyadoo Xukuumadda DDS ay ballanqaadday taageero joogto ah oo lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha.

Ku-xigeenka Madaxweynaha DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta wax-soo-saarka beeraha, si loo gaadho isku-filnaansho buuxda loogana baxo ku-tiirsanaanta barnaamijyada gargaarka iyo kaalmooyinka shisheeye.

AmnAdmin

MAJOR ASCHIEVMENTS

Leave a Reply