AMN PLUS – Xoorrey 12/2018 T.I
Hindisaha Dhijitaal Itoobiya 2030 ayaa lagu tilmaamay istiraatiijiyad casri ah oo dadka udub-dhexaad u ah, isla markaana leh dhinacyo badan oo lagu gaari doono natiijooyin la taaban karo, gaar ahaan ballaarinta kaabayaasha dijitaalka ah ee dalka. Sida lagu qeexay hindisaha, ujeeddadiisu waa in tiknoolajiyada dijitaalka ah si toos ah ugu adeegto horumarinta nolosha muwaadiniinta.

Lataliyaha Dijitaalka ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Miriyaam Cali, ayaa sheegtay in hirgelinta Dhijitaal Itoobiya 2030 ay socon doonto shanta sano ee soo socota, iyadoo lagu saleynayo nidaam maamul oo hufan, natiijooyin si cad loo cabbiri karo, iyo isla xisaabtan buuxa. Waxay tilmaantay in habkan uu xaqiijin doono in istiraatiijiyadda lagu beddelo ficil iyo waxqabad muuqda.
Sidoo kale, Miriyaam Cali waxay carrabka ku adkaysay in guusha hindisahan ay ku xirnaan doonto dadaal wada jir ah oo ka yimaada dhammaan daneeyayaasha, oo ay ku jiraan hay’adaha dowladda, waaxda gaarka loo leeyahay, iyo bulshada rayidka ah, si loo xaqiijiyo horumar dijitaal ah oo waara kana faa’iideysta guud ahaan dalka.