AMN PLUS – Xoorrey 10/2018 T.I
Agabka maanta lagu wareejiyay dadka baahida gaarka qaba oo isugu jiray makiinadaha tolidda dharka, kombiyuutarro iyo qalab kale ayaa qayb ka ah xidhmooyin lagu horumarinayo dadkani baahiya qaarka qaba, taas oo ay ugu deeqeen hay’adaha ka shaqeeya arimaha samafalka.

Munaasabadda wareejinta agabkan oo uu kasoo qaybgalay madaxa Xafiiska Arrimaha Bulshada DDS, islamarkaana ka dhacday barxadda xafiiska arimaha bulshada ee DDS ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska iyo wakiilo ka socda dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool magaalada Jigjiga.
Agaasimaha Waaxda Dadka Baahiyaha Gaarka Qaba ee Xafiiska Arrimaha Bulshada DDS Mudane Maxamed Shariif Khaliif oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee xafiisku ugu jiro taageeridda iyo kor-u-qaadista nolosha dadka baahiyaha gaarka ah qaba.