AMN PLUS – Xoorrey 27/2018 T.I
Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Magaalada Addis Ababa ayaa qabtay kulan wadatashi ah oo ku saabsan safarka Xajka ee 2018, kaas oo ay ka soo qayb galeen imaamyada masaajidda iyo guddiyada kala duwan ee magaalada.
Madaxweynaha Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Addis Ababa, Sheekh Suldaan Amaan Eba, ayaa sheegay in iyadoo la raacayo tilmaamaha Wasaaradda Xajka ee Boqortooyada Sacuudiga, la go’aamiyay in diiwaangelinta Xajka lagu soo gabagabeeyo waqtigeeda. Sidaas awgeed, ayuu ugu baaqay bulshada Muslimiinta in ay si degdeg ah oo aan dib u dhac lahayn u sameeyaan diiwaangelinta.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in imaamyada masaajidda, culimada iyo Muslimiinta awoodda iyo niyadda u leh gudashada Xajka ay lagama maarmaan tahay in masaajid kasta laga jeediyo baaq ku saabsan in diiwaangelinta lagu sameeyo waqtiga loo asteeyay.
Mas’uulka Hay’adaha Islaamiga ah ee Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Addis Ababa, Ustaad Ayuub Derbajaw, isna wuxuu sheegay in muddada diiwaangelinta Xajka ee sannadkan aan hal maalin lagu kordhin doonin. Wuxuu ka codsaday imaamyada masaajidda iyo culimada in ay fariintan bulshada ugu gudbiyaan siyaabo kala duwan si loo hubiyo in diiwaangelintu ku dhacdo waqtigeeda.
Waxaa la sheegay in diiwaangelinta safarka Xajka ee sannadkan, oo bilaabatay Nofeembar 22, ay si rasmi ah u dhammaan doonto Janaayo 18, 2018 T.I.