AMN PLUS – Xoorrey 25/2018 T.I
Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Itoobiya Field Marshal Birhaanu Julaa, ayaa sheegay in dagaalka elektaroonigga uu maanta noqday arrin la xiriirta jiritaanka iyo badbaadada qaranka, isla markaana dowladda Itoobiya ay si gaar ah diiradda u saartay kor u qaadista awoodda dalka ee dhinacan.
Aqoon-is-weydaarsigii ugu horreeyay ee qaran ee ku saabsan Dagaalka Elektaroonigga ayaa la qabtay
Field Marshal Birhanu Jula oo ka hadlayay Kulankaas ayaa sheegay in, maadaama dagaalka casriga ah uu si weyn ugu tiirsan yahay awoodda elektaroonigga, ay socdaan hawlo badan oo lagu horumarinayo kartida dalka iyo dhismaha awood qaran oo waarta.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in marka laga soo tago dagaalka dhulka, badda, cirka iyo cyber-ka, ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo xukun buuxa oo lagu yeesho spectrum-ka elektaroonigga, si loo ilaaliyo madaxbannaanida qaranka. Taasina waxay u baahan tahay, Shaqaale aqoon iyo xirfad sare leh, Qalab iyo tiknoolajiyad casri ah, iyo in arrintani noqoto qayb ka mid ah qorshaha “Digital Ethiopia 2030”, kaas oo horey dalka ugu keenay natiijooyin la taaban karo.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka, Ambassador Redwan Xuseen ayaa sheegay in dunida isbeddelaysa ee maanta, cidda leh tiknoolajiyadda sare ee xakameysa spectrum-ka elektaroonigga ay yeelanayso awoodda xakamaynta dhacdooyinka, arrintaas oo uu ku saleeyay taariikh iyo xaaladda caalamka ee hadda taagan.
Munaasabaddaas waxaa sidoo kale ka hadashay Agaasimaha Guud ee IMEDA, Marwo Tigist Hamid, oo soo jeedisay farriin soo-dhaweyn ah.
Wararkan ayaa laga helay Wasaaradda Difaaca Qaranka.