Dowladdu waxay ku hawlan tahay xaqiijinta madax-bannaanida gargaarka bini’aadantinimo – Raysulwasaare K/X JDFI Tamesgen Tiruneh

You are currently viewing Dowladdu waxay ku hawlan tahay xaqiijinta madax-bannaanida gargaarka bini’aadantinimo – Raysulwasaare K/X JDFI Tamesgen Tiruneh
Spread the love

AMN PLUS – Xoorrey 25/2018 T.I

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka JDFI Mudane Tamesgen Tiruneh, ayaa sheegay in dowladdu si firfircoon uga shaqaynayso xaqiijinta madax-bannaanida gargaarka bini’aadantinimo.

Sida uu ku qoray boggiisa baraha bulshada, maanta waxaa la qabtay kulankii ugu horreeyay ee Golaha Maareynta Hawlaha Khatarta Masiibooyinka ee Itoobiya, kaas oo dib-u-habayn cusub lagu sameeyay.

Waxa uu intaa ku daray in golaha cusub, isagoo ku shaqeynaya siyaasadda cusub, sharciga iyo Sanduuqa Ka-falcelinta Khatarta Masiibooyinka, uu si firfircoon uga shaqayn doono mideynta awoodda shacabka si loo dhiso bulsho adkaysi leh, loogana hortago saameynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadamku sameeyo.

Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in la xoojin doono dhaqanka wanaagsan ee is-garab istaagga bulshada iyo qiyamka wadajirka, si dadaallada looga guurayo gargaar-ku-tiirsanaan looguna guurayo wax-soo-saar loogu sameeyo dhammaan deegaannada dalka, taas oo mudnaan gaar ah la siin doono.

AmnAdmin

MAJOR ASCHIEVMENTS

Leave a Reply