Waxaa shacabka deegaanka lagu baraarujinayaa inay qaataan Aqoonsiga Qaranka ee Fayda (National ID) kaasi oo muhiim u ah helida dhamaan adeegyada muhiimka ah.

You are currently viewing Waxaa shacabka deegaanka lagu baraarujinayaa inay qaataan Aqoonsiga Qaranka ee Fayda (National ID) kaasi oo muhiim u ah helida dhamaan adeegyada muhiimka ah.
Spread the love

AMN PLUS – Xoorrey 22/2018 T.I

‎Sida ku cad Sharciga bayaanka tirsigiisu yahay 284/2015 Aqoonsiga Qaranka ee Fayda waxaa loo aqoonsan yahay caddayn sharci ah oo ku filan xaqiijinta haybta qofka taasi oo uu muwaadinku ku heli karo adeegyada hoose:

‎● Maaliyadda iyo Isgaarsiinta: muwaadin kastaa wuxuu helaya Furashada Akoonka bangiga, la bixista lacagta, bixinta jeegga, qaadashada SIM-kaarka, iyo helitaanka adeegga internetka.

‎● Adeegyada Dawladda: muwaadinku wxuuu aqoonsiga qaranku ku helayaa adeegyada: Qaadashada iyo cusboonaysiinta shatiga darawalnimada, shatiga ganacsiga ama maalgashiga, iyo adeegyada maxkamadaha iyo hay’adaha sharciga.

‎● Xaqiijinta Dukumentiyada: Bixinta wakiilnimada (Power of Attorney), xaqiijinta dardaaranka, iyo saxiixa heshiisyada deynta, shaqaalaynta ama kirada.

‎● Adeegyada Bulshada: Helitaanka adeegga caafimaadka ee xarumaha caafimaadka iyo is-diiwaangelinta goobaha waxbarashada.

‎Hadaba shacabka deegaanka soomaalida waxaan ku baraarujinaynaa in ay horey u qaataan aqoonsiga qaranka ee Fayd( National ID), kaasi oo loo adeegsan doono dhamaan adeegyada muhiimka.

— Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida

AmnAdmin

MAJOR ASCHIEVMENTS

Leave a Reply