Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee Hindiya iyo Itoobiya uu hadda gaaray heer iskaashi istiraatiiji ah.
Ra’iisul Wasaare Modi, oo soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo rasmi ah oo uu ku joogay Itoobiya, ayaa farriin uu ku qoray baraha bulshada ku sheegay in uu wadahadallo miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, isla markaana uu khudbad ka jeediyay Baarlamaanka Itoobiya.

Waxa uu xusay in booqashadiisu ay abuurtay firfircooni cusub oo ku aaddan xiriirka Hindiya iyo Itoobiya, isla markaana ay xoojinayso xiriirka labada dal oo ku dhisan qiyam wadaag ah iyo aragti mustaqbal.
Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa yidhi:
“Xiriirka dalalkeenna oo faa’iido weyn u leh labada dhinac ayaan u dallacsiinnay heerka Iskaashi Istiraatiiji ah (Strategic Partnership).”
Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Itoobiya marka uu dalka ka dhoofayay, Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa sheegay in uu si gaar ah ugu mahadcelinayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, oo si sharaf leh ugu sagootiyay garoonka diyaaradaha.