Duqa magaalada Addis Ababa, Aadanej Abebe, ayaa munaasabadda ciidda Kirismaska ee soo socota awgeed, in ka badan 300,000 oo qof oo danyar ah oo ku nool magaalada u sameysay barnaamij cunto-wadaag .

You are currently viewing Duqa magaalada Addis Ababa, Aadanej Abebe, ayaa munaasabadda ciidda Kirismaska ee soo socota awgeed, in ka badan 300,000 oo qof oo danyar ah oo ku nool magaalada u sameysay barnaamij cunto-wadaag .
Spread the love

AMN PLUS – Xoorrey 27/2018 T.I

Duqa magaalada Aadanej Abebe ayaa fariin ay ku baahisay boggeeda baraha bulshada ku sheegtay in munaasabadda Kirismaska awgeed ay ka hirgeliyeen degmooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada barnaamij lagu caawinayo in ka badan 300,000 oo qof, kuwaas oo ay ka mid yihiin dadka aan lahayn il dakhli, dadka ay saameeyeen dhibaatooyin bulsho, dadka dakhligoodu hooseeyo,iyo guud ahaan dadka tabarta yar.

Waxay sheegtay in Kirismasku yahay ciidda dhalashada Ciise Masiix iyo astaan jacayl, isla markaana cunto-wadaaggu uu yahay hab ficil ahaan loogu muujiyo jacaylka loo qabo walaalaheenna dhibaateysan.

Waxay intaas ku dartay in falalkan wanaagga ahi ay sii xoojinayaan isku-duubnida, is-garab istaagga iyo wada noolaanshaha bulshada magaalada, isla markaana ay caddeyn u yihiin in shacabka magaaladu ay si wadajir ah uga gudbi karaan dhibaatooyinka ku-meelgaarka ah, iyaga oo ka shaqeynaya horumar waara.

Maaharka waxay mahadnaq ballaaran u jeedisay ganacsatada qalbi-furan ee hantidooda la wadaagay dadka, dhalinyarada dadaalka muujisay,iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb qaatay hirgelinta barnaamijkan, iyadoo mahadnaqaas ku muujisay magaceeda, maamulka magaalada, iyo dadka ka faa’iideystayba.

Ugu dambayn, waxay u rajeysay dhammaan shacabka in ciiddu u noqoto mid jacayl, nabad iyo farxad leh, iyadoo farriin qalbi ka timid u dirtay.

#Amnafsoomaali

#VoiceOfGenerations

#Ethiopia

#AddisAbaba

#Christmas2025

#MayorOffice

#Holidays

AmnAdmin

MAJOR ASCHIEVMENTS

Leave a Reply