AMN PLUS – Xoorrey 4/2018 T.I
Madal wadatashi dadweyne oo lagu qabtay Adaamaa, kana qeyb galeen bulshada magaalada iyo tan Bariga Shawaa, taas oo halkudhig looga dhigay “Midho-dhalka dowladnimada isku-darka.
Ka-qeybgalayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen guulo laga gaaray horumarinta marinnada, beeraha, iyo tayeynta adeegyada bulshada. Mashruuca corridor-ka ayaa si gaar ah loo xusay inuu beddelay muuqaalka magaalada, korna u qaaday faa’iidada bulshada, isla markaana aas-aas u noqday horumar casri ah oo waara.

Horumarinta beeraha oo ay ku jiraan wax soosaarka qamadiga, khudaarta iyo mirahaiyo barnaamijka Dhaqo oo dheefso iyo Dalag iyo Daryeel ayaa lagu tilmaamay kuwo wax weyn ka beddelay nolosha dad badan, isla markaana gacan ka geystay ka gudbidda ku-tiirsanaanta gargaar.
Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta ka hadlay madasha ayaa xusay in ajandaha ugu muhiimsan uu weli yahay madax bannaanida cuntada, horumarinta adeegyada dijitaalka, warshadaha, abuurista shaqooyin, iyo tayeynta waxbarashada.
Waxaa la adkeeyay in horumarka degdegga ah ee Adaamaa iyo Bariga Shawaa u baahan yahay ka qeybgal xooggan oo bulshada ah si uu u noqdo mid waara.