Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, iyo Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa maanta ka wada qayb galay kulanka wadajirka ah ee kalfadhiga 6aad ee Golaha Wakiillada Shacabka iyo kalfadhiga 5aad ee Golaha Federationka, sannad-hawleedkoodii shanaad.
Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa khudbad ka jeediyay kulanka wadajirka ah.
Isagoo hadalkiisa ku bilaabay, Ra’iisul Wasaare Modi wuxuu sheegay in ay sharaf weyn u tahay inuu maanta hortiinna istaago oo khudbad jeediyo. Wuxuu sidoo kale muujiyay farxaddiisa ku aaddan joogitaankiisa Itoobiya, oo uu ku tilmaamay dal asal u ah ilbaxnimada hore iyo halka uu ka soo farcamay aadanuhu.

Wuxuu sheegay in inkastoo uu ka soo jeedo gobolka Gujarat oo loo yaqaanno dhulka libaaxyada, haddana marka uu yimaado Itoobiya uu dareemo sida qof gurigiisa yimid oo kale.
Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa ammaanay socdaalka dimuqraadiyadeed ee ay Itoobiya bilowday, isaga oo ku hadlaya magaca in ka badan 1.4 bilyan oo shacab Hindi ahna u soo gudbiyay shacabka Itoobiya salaamo saaxiibtinimo, niyad-sami iyo walaaltinimo.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Modi wuxuu muujiyay farxaddiisa ku aaddan helitaanka Billadda Sharafta Itoobiya oo uu ka guddoomay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, isaga oo ku hadlayay magaca shacabka Hindiya.