AMN PLUS – Xoorrey 5/2018 T.I
Booqashadan ayaa ujeedkeedu ahayd kormeer iyo dardargelin ku aaddan mashruuca, si loo hubiyo in shaqada ka socota dhismaha xaruntu ay ku socoto xawaare, tayo, iyo qorshihii loogu talagalay.
Madaxweynaha DDS iyo wafdigiisa ayaa si dhow u eegay qaybaha kala duwan ee dhismaha, iyagoo ka dhageystay masuuliyiinta mashruuca warbixin faahfaahsan oo ku saabsan heerka uu marayo, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo xarunta.

Masuuliyiinta booqashada ka qeyb galay ayaa adkeeyay in xarunta dalxiiska ee Shabeelleey ay tahay mashruuc istiraatiiji ah oo leh ahmiyad dhaqaale, bulsho, iyo dalxiis. Waxay sheegeen in xaruntani ay door weyn ka qaadan doonto kor u qaadista dalxiiska gudaha, abuurista fursado shaqo, iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka, gaar ahaan bulshada ku dhaqan hareeraha Mashruuca.
Intii ay booqashadu socotay, masuuliyiinta ayaa sidoo kale la kulmay shaqaalaha ka howlgala mashruuca, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay dardargeliyaan shaqada, isla markaana ay ilaaliyaan tayada iyo badqabka dhismaha.